Faah-faahin: Al-Shabaab oo ka baxay magaalada Beled Xaawo

Beled-Xaawo (estvlive) 11/09/2017

Subaxnimadii hore ee Isniinta ayaa dagaalyahano ka tirsan al-Shabaab gudaha u galeen degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo taas oo kaabiga ku haysa Magaalada Mandheera ee dalka Kenya.

Dadka Beled Xaawo ayaa qaar kamid ah warbaahinta u sheegay in dagaalku ku bilowdey gaari al-Shabaab ku soo rareen waxyaabaha qarxa oo ay ku weerareen saldhig ciidamadu ka deganaayeen dhanka bari ee magaalada kadib rasaasta ayaa is qabsatey dhinac kasta ee magaalada.

 

Malayshiyada al-Shabaab waxaa u suurta gashey in ay qabsadaan qaybo kamid ah magaalada.

Ciidamada Kenya ayaa bilaabey in ay magaalada duqeeyaan, waxaana hawada sare ee magaalada laga arkaayey diyaaradaha qumaatiga u kaca sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah.

Wararka u danbeeyey ayaa sheegaya in diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Kenya ay ku khasbeen al-Shabaab in ay isaga baxaan Beled Xaawo.

Ciidamada Dowladda iyo Malayshiyaadka Ahlu-Sunnah ayaa u baxsadey dhanka Kenya, waxaana dib u soo celiyey ciidanka KDF.

Ilaa hadda lama xaqiijin khasaaradu intey le egtahay iyo waxayaabah al-Shabaab ay horey uga sii qaateen magaalada. Waxaa jirta khasaaro xooggan oo ka dhacdey Saldhigga dhanka Bari ku yaala, goobaha maamulka degmada ayaa xirnaa markii dagaalku dhacay.

Comments are closed