Xafladan ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cuamar, afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI mudane Maxamedrashiid Isaaq Ibraahin,madaxwayne ku xigeenada DDSI, golaha wasiirada DDSI shaqaalaha dawlada qurba joogt u dhalatay deegaanka ee ku sugan caasimada DDSI, kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI iyo marti sharaf kale.
Waxaana, ka hadlay xafladan madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayntii shacabwaynaha itoobiya khaasatan shacabka deegaanka ugu hambalyay sanadka cusub ee 2010IT ka dibna jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo taban taabanaysa taasi oo ku qotontay guulaha laga gaadhay hirgalinta qorshayaasha horumarineed ee sanadkii tagay madaxwaynaha ayaa sheegay in sanadkii 2009TI uu ahaa sanad horumarineed islamarkaana deegaanka laga hirgaliyay mashaariico waawayn oo dhinaca horumarka ah kuwaasi oo gashi horumarineed u noqday bulshada deegaanka wakhtixaadirkana ay ka faa’iidaysanayso bulshada deegaanku madaxwaynaha ayaa sheegay in sanadka cusub ee 2010TI lagu soo dhawaynayo horumar iyada oo laga faa’iidaysanayo waayo aragnimadii sanadkii tagay xooga la saaridoono sidii loo sii xoojin lahaa taaba galinta istaraatajiyadaha lagu tir tirayo saboolnimada laguna gaadhayo wadamada dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay madaxwaynaha ayaa intaasi ku daray in sanadkan 2010TI xooga la saaridoona ka faa’iidaysiga dhaqashada xoolaha oo casriya iyo ka faa’iidaysiga wax soo saarka beeraha oo casriya kuwaasi oo ka mid ah istaraatajiyadaha lagu gaadhayo horumar waara oo joogtaysan laguna tir tirayo saboolnimada.
Dhankooda kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI ayaa ku soo bandhiy xafladan heeso iyo madadaalooyin ay ugu talagaleen soo dhawaynta sanadka cusub, heesahaasi oo siwayn u soo jeeday ka soo qaybgalayaashii xafladan.
Comments are closed