“Madaxweyne Cabdi Sanadkii Hore Hormar ayuu ku dhamaaday Sanadkan hormar ayaan ku Soo dhaweyneynaa”

Jigjiga (estvlive) 12/09/2017

Waxaa xalay  ka qabsoontay barxada wayn ee madasha shirarka qaryaan dhoodaan ee caasimada deegaanka xaflad   si meeqaam sare ah loo soo agaasimay oo lagu sagootinayay sanadkii tagay ee 2009TI laguna soo dhawaynayay sanadka cusub ee 2010TI.

 

Xafladan ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cuamar, afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI mudane Maxamedrashiid Isaaq Ibraahin,madaxwayne ku xigeenada DDSI, golaha wasiirada DDSI shaqaalaha dawlada qurba joogt u dhalatay deegaanka ee ku sugan caasimada DDSI, kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI iyo marti sharaf kale.

Waxaana, ka hadlay xafladan  madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayntii shacabwaynaha itoobiya khaasatan shacabka deegaanka ugu hambalyay sanadka cusub ee 2010IT ka dibna  jeediyay  khudbad dheer oo dhinacyo taban taabanaysa  taasi oo ku qotontay guulaha laga gaadhay hirgalinta qorshayaasha horumarineed ee sanadkii tagay  madaxwaynaha ayaa sheegay in sanadkii   2009TI  uu ahaa sanad horumarineed islamarkaana deegaanka laga hirgaliyay mashaariico waawayn oo dhinaca horumarka ah kuwaasi oo gashi horumarineed u noqday bulshada deegaanka wakhtixaadirkana ay ka faa’iidaysanayso bulshada deegaanku  madaxwaynaha ayaa sheegay in sanadka cusub ee 2010TI  lagu soo dhawaynayo horumar iyada oo laga faa’iidaysanayo waayo aragnimadii sanadkii tagay  xooga la saaridoono sidii loo sii xoojin lahaa taaba galinta istaraatajiyadaha lagu tir tirayo saboolnimada laguna gaadhayo wadamada dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay madaxwaynaha ayaa intaasi ku daray in sanadkan 2010TI xooga la saaridoona ka faa’iidaysiga dhaqashada xoolaha oo casriya iyo ka faa’iidaysiga wax soo saarka beeraha oo casriya kuwaasi oo ka mid ah istaraatajiyadaha lagu gaadhayo horumar waara oo joogtaysan laguna tir tirayo saboolnimada.

Dhankooda kooxaha fanka iyo suugaanta DDSI ayaa ku soo bandhiy xafladan heeso iyo madadaalooyin ay ugu talagaleen soo dhawaynta sanadka cusub, heesahaasi oo siwayn u soo jeeday ka soo qaybgalayaashii xafladan.

Comments are closed