Wasiirka Gaashaandhigga “Ciidanka dowladda waxaa loo diyaarinayaa sidii ay AMISOM ugala wareegi lahaayeen ammaanka dalka”

Muqdisho (estvlive) 11/09/2017

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/rashiid C/llaahi Maxamed, ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya loo diyaarinayo sidii ay ciidamadda AMISOM ugala wareegi lahaayeen guud ahaan Ammaanka Dalka, taasi oo haatan qorsheheeda uu socdo.

Wasiirka ayaa hadalkaasi ka sheegay xili uu kulamo magaalladda Baydhabo kula qaadanayay mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed iyo saraakiil katirsan taliska qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

 

“Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay in aan soo booqdo qeybtan 60-aad, safarkan wuxuu qeyb ka yahay qorshe aan wadno, si aan ugu kuurgalnno baahiyaha ciidamada iyo tayeyntooda iyo in la dar-dargeliyo howlgalada socda si ay ammaanka Dalka ula wareegaan,waxaan sidoo kale noo qorsheysan in aan booqano qeybaha kale sida,21-aad 12-aad iyo 43aad inyuba”, Ayuu yiri Wasirka Difaaca.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in ciidanka Soomaaliya ay yihiin geesiyaal sooma-jeestayaal ah.

Hadalkaasi ayaa waxaa uu ka sheegay mar uu todobadkan kormeer ku tagay Dugsiga tababarka ciidamada ee Jeneraal Goordan ee magaalladda Muqdisho.

“Waxaa lagu xantaa Ciidanka Xoogga, markaan la sheekaystay Ajnabi, AMISOM, beesha caalamka iyo cidkastaba in aad tihiin geesiyaal sooma-jeestayaal ah. Xaqiiqiyanna meesha ay galaan aan ka soo noqonayn in ay guul ka keenaan mooyee.”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

“Qofkastana waxaa uu ii sheegaa in ay yihiin geesiyaal”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay Farmaajo.

Comments are closed