Golaha Amaanka ee QM oo Kuuriyada Waqooyi oo cunno qabateyn hor leh la saarey

Mareykanka (estvlive) 12/09/2017

 Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa cunno qabateyn horleh ku soo rogey Kuuriyada Waqooyi taas oo ka fudud sida uu Maraykanku doonaayey. Maraykanka ayaa doonaayey cunno qabateyn aad u adag in la saaro Xukuumadda Pyongyang, waxaana qorshaha Maraykanka looga weecdey si taageero looga helo Shiinaha iyo Ruushka oo leh diidmada qayaxan.

 

Cunno qabateynta cusub ee Golaha Amaanku saarey ayaa la xiriirta dhoofinta suufka dharka laga sameeyo iyo soo dejinta Gaaska.

Kuuriyada Waqooyi ayaa alaabaha dharka laga sameeyo sanadkii ka hesha lacag dhan 700 milyan oo dollarka Maraykanka ah.

Qaraarka cusub ayaa dhigaya in dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobey aysan siin karin oggolaansho shaqo dadka u dhashey Kuuriyada Waqooyi. qiyaastii 93 000 oo qof oo Kuuriyada Waqooyi u dhashey ayaa ka shaqeeya dalal ka baxsan dalkooda.

Cunno qabteynta cusub ayaa jawaab u ah tijaabada isdabajooga ah ee Kuuriayda Waqooyi ku samayneyso hubka Nukliyeerka ah ee ay ugu danbeysey 3 Siteembar.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa horey uga digey cunno qabateynta la saaro Kuuriyada Waqooyi, wax xal ah ma keeneyso ayuu yiri, waxaa loo baahan yahay wada hadal siyaasadeed in lagu xaliyo qaddiyadda Nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi.

Comments are closed