Isbedel Lagu Samaynayo sharciga Socdaalka ee La Sameeyay 1966-dii

Muqdisho (estvlive) 12/09/2017

Shir lagaga tashanayo sidii wax ka bedel loogu samayn lahaa sharciga Socdaalka Soomaaliya oo la sameeyay Sanadkii 1966kii, xiligii dowladii rayidka ahayd ee Soomaaliya ayaa lagu qabtay caasimadda Muqdish, waxaana  ka soo qeyb galay Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka arimaha Dibada Yuusuf Garaad Cumar, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Eng. Cabdi Canshuur Xasan, Wasiiru dowlaha arimaha gudaha Cabdirashiid Maxamed “Xiddig” iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Gaashaanle Sare Maxamed Adam Jimcaale (Koofi).

 

Shirkan oo ay soo qabanqaabiysay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha dowladda federaalka waxay u qabatay Khubaro ka kala socday qaar ka mid ah Hay’addaha dowlada iyo Bulshada rayidka, waxaana shirkan uu ku saabsan yahay dib u eegista Sharciga Socdaalka.

Wasiirada Shirka ka soo qeyb galay ayaa ka dalbaday quburada loo soo xulay in ay ka qeyb galaan wax ka badalka sharciga Socdaalka in ay is waafajiyaan xaalada uu hada dalka marayo iyo sharcigan, Maadaama marka la sameynayay sharciga ay aheyd 1966, Xiligaasna ay sameysay dowlada dhaxe, hadana Soomaaliya ay qaadatay Federal , sidoo kalena ay hada aduunka ku soo korortay argagaxiso aan horay loo aqoon.

Shirkan Wadatashiga ah ayaa waxaa lagu qaban doonaa mudo seddex bilood gudahood ah dhamaan Maamul goboleedyada dalka ka dibna waxaa loo soo gudbinayaa Golaha Wasiiradda si ay uga doodaan oo ay baarlamaanka ugu gudbiyaan.

Comments are closed