Shaqaale gar-gaar oo labo bilood u afduubnaa al-Shabaab oo xoriyadooda helay

Hiiraan (estvlive) 12/09/2017

Gabdho  howlo samafal  ah waday gobolka Hiiraan mudo labo bilood ah u afduubnaa ururka Al-shabaab ayaa la siidaayay  gelinkii dambe ee maalintii Axadii, sida ay baahisay warbaahinta dowladda federaalka Soomaaliya

 

Aabaha dhalay mid kamid ah Gabdhahaasi oo ka gaabsaday magaciisa oo la hadlay Wakaaladda Sonna ayaa sheegay in Maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ay siidaayay labo kamid ah sedax Gabdhood oo u shaqaynayay Hay’adda Hello-Trast oo ka shaqeysa arimaha samafalka kadib markii ay ka qaataan waalidiintooda lacago madax furasho ah oo gaaraya min 13,000 kun oo Dollar,waxaana gabdhaha la haystay  muddo labo bilood.

“Muddo kadib ayay Shabaab u afduubnaayeen gabdhahan oo sedex ahaa,alaxadulillah maanat ayaa la soo daayay,waxaa nalaga qaatay lacag dhan min 13,000 kun oo Dollar,waxay ka shaqeynayeen awal howlo samafal oo ay Gobolka kawadaan,waxaana laga afduubtay Deegaanka Farlibaax”, Ayuu yiri Aabaha dhalay gabar kamid ah labadaasi Gabdhood.

Gabdhahan oo ahaa 3 qof ayaa laga afduubtay Deegaanka lagu magacaabo Farlibaax oo katirsan Gobolkaasi Hiiraan, halkaasi oo ay ka wadeen howlo loogu gargaarayo dadka dhibaataysan waxaan weli maqan hal gabar taasi oo aan la ogayn waxa ay ka yeelidoonaan maleeshiyaadkaasi Shabaab.

Waalidiinta Gabdhahaasi oo ahaa dhalinyaro ayaa in muddo ah ka walaacsanaa,afduubka loo haystay gabdhahaan oo lagu hayay Deegaanka Buq-Aqable oo katirsan gobolka Hiiraan,waxaana loo diiday in ay arkaan kadib markii halkaasi ay tageen.

12kii bishii July ee tagtay ayay ahayd markii maleeshiyada Alshabaab ay lacago madax-furasho ah  ay ku siidaayeen ilaa 7 shaqaale samafal oo u shaqeynayay Hay’adda lagu magacabo Gareedo oo ka howlgasha Gobolka Bay 4 kamid ahna ahaa haween,kuwaasi oo ay ka qafaasheen duleedka magaaladaasi.

Comments are closed