Aweday: Weerar lagu dilay 13 Qof Somali deegaanka Itoobiya

Aweday  (estvlive) 13/09/2017

Magaalada Awadaay ee u dhow magaalada Harar ayaa Shaleyto lagu dilay Somali ka ganacsan jirtay Khaadka tirada ku dhawaad 13-Qof.

Dr. NEGERI Lencho, wasiirka arrimaha warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa saaka warbaahinta u sheegay in Xukuumadda federaalka Itoobiya ay ka shaqeyneysay xallinta khilaafaadka xudduudaha ee u dhexeeya Ismaamulka Oromiya iyo Ismaamulka Somalida ee Itoobiya, ayuu yiri Dr Negeri Lencho,

Xukuumadda federaalka ayaa baaritaan ku samayn doonto kooxihii weerarka qaaday dadka deegaanka dhibka ka geysatay
sidoo kale waxaa loo dirayaa koox si ay u baaraan xadgudubyada xuquuqda aadanaha, ayuu yiri. Sida laga soo xigtay Dr Negeri,

Ugu dambeyntii masuuliyiinta ka tirsan Xukuumadda dawlad deegaanka somalida itoobiya ayaa soo gudbin doono caydaymo shacabka deegaanka ee dhib loo geystay si sharciga loo horgeeyo

 

Comments are closed