Labo ka mid ah Darawalada gadiid Bajaajka oo siyaabo kala duwan loogu dilay Muqdisho

Muqdisho (estvlive) 14/09/2017

Waxaa xalay magaalada Muqdisho siyaabo kala duwan loogu dilay labo darawal oo ka mid ah dhalinyarada ku shaqeysata gadiidka Bajaajka.

Dilka hore oo ka dhacay Suuqa Bakaaraha ayeey koox hubeysan toogasho ku dileen nin dhalinyaro ah darawal ka ahaa gaari nooca Bajaajka, waxaana goobta ka baxsaday raggii dilka geystay.

Sidoo kale darawal kale oo Bajaaj waday ayaa lagu dilay degmada Xamar Weyne, kaddib markii askari uu rasaas ku furay, xilli wadada ay ciriiri aheyd.

Ciidamada Booliska degmada Xamar Weyne ayaa la sheegay in ay qabteen Askarigii dilka, oo lagu haayo saldhiga booliska.

Dhalinyarada ku shaqeysatay gadiidka yar yar ee Bajaajka ayaa inta badan dhibaatooyin kala kulma ciidamada dowladda iyo kooxo hubeysan oo la aqoon, waxaana marar badan oo hore sidan oo kale toogasho lagu dilay qaar ka mid ah darawalada gadiidkan ku xamaasha.

Comments are closed