Trump iyo Xisbiga Dimoqraadiga oo heshiis ka gaarey badbaadinta da’yarta muhaajiriinta

Mareykanka (estvlive) 14/09/2017

Madaxweynaha dalka Maraykanka iyo hoggaamiyaasha xibiga dimoqraadiga ayaa heshiis ku gaarey badbaadinta dhalinyarada aan sharciga haysan ee waalidkood sababta u ahaayeen in ay yimaadaan Maraykanka, kuwaas oo loogu yeero Dreamers.

Muhaajiriinta loogu yeero Dreamers-ka ayaa waxaa sharci goonbi ah oo awoodiisa Madaxweynihimo ku gaarey u sameeyey Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama, kaas oo ay ku shaqeysan karaan, kuna heli karaan wadida oggolaanshaha gawaarida.

Madaxweyne Trump ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqey in sharcigaas la laaley, waxaana uu saameyn ku yeelanayaa 800 000 oo qaf oo ka faa’ideystey Barnaamijka Daca, kuwaas oo qarka u saarnaa in dalka laga tarxiilo.

 

Hoggaamiyaasha Dimoqraadiga Chuck Schumer iyo Nancy Pelosi ayaa heshiis kula gaarey Donald Trump in aan dalka laga saarin dhalinyarada Dreamerska ee aan garanyn luuqad kale iyo dal kale midna. Nancy Pelosi iyo Chuck Schumer ayaa sheegay in ay sidoo kale ogolaadeen in ay madaxweynaha kala shaqeeyaan ammaanka xadka, balse arrintaasi aysan ka mid ahayd darbiga uu madaxweynuhu qorshaynayo in uu ka dhiso xadka uu dalkaasi la wadaago Maraykanka.

Donald Trump ayaa hadda u muuqda in uu yahay nin Deal Maker ah ama heshiis iyo gorgortan sameyn kara, waana markii labaad oo uu heshiis la galo Xisbiga Dimoqraadiga, waxaa ka soo horjeestey qorshihiisa Xildhibaanada muxaafidka ah oo hadda ku tilmaamaya Donald Trump in uu yahay Madaxweyne ka tegey Xisbigiisi.

Comments are closed