Shacab DDSI dhib loogu geystay Magaalooyinka Naasireed Qobbo Jalanqo oo laga soo daadgureynayo

Naasireed (estvlive) 25/09/2017

Shacabka Dawlad deegaanka somalida Itoobiya ayaa waxaa soo wajahay dhibaatooyin kaga iman Qowmiyada Oromada Ciidamada Liyuu Booliska DDSI ayaa ku howlan sidii Shacabka somalida ee ku dhax nool Deegaannada Oromada sidii ay u soo daad gureyn lahaayeen.

35-qof oo ku xanibnaa Magaalada Qobbo ayaa xaleyto Ciidamada liyuuga ay soo badbaadiyeen waxeyna waqtigan xaadirka ku sugan yihiin Degmada Erer.

Saraakiil sare oo warbaahinta DDSIu sheegay 3-qof lagu dilay magaalada Jalanqo waxeyna xukuumadda Dawlad deegaanka Somalida Itoobiya ka codsadeen in ay badbaadiso.

Ugu dambeyntii Ciidamada Liyuuga ayaa dadaal xoogan ku jira sidii shacabka deegaanka ay uga badbaadin lahaayeen dhibaatooyinkan soo wajahay

Comments are closed