Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey oo canbaareyn dusha uga tuuray Kuuriyada Waqooyi

QM (estvlive) 16/09/2017

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa habeenkii xalay isugu yimid shir deg-deg ah, kadib markii Kuuriyada Waqooyi ay gantaal kale tijaabisey Jimcadii kaas oo dul marey hawada sare ee dalka Jabaan. Golaha Amaanka ayaa canbaareyn kulul dusha uga tuurey masuuliyad darrada maamulka Pyongyang ee Kuuriyada Waqooyi.

Golaha Amaanka ayaa ugu baaqey Kuuriyada Waqooyi in ay joojiso tijaabada isaba joogga ah ee ay ku hayso gantaaladeeda.

 

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ku hanjabey in ay cunno qabetyn kale oo culus dul saarayaan Kuuriyada Waqooyi.

Kuuriyada Waqooyi ayaa subaxnimadii Jimacada tijaabisey gantaal nooca ridada dhexe ah, kaas oo ay dul marisey hawada sare ee Jabaan, waxaana uu ku dhacay Badda Deggan ee Baasifikada, waana markii labaad ee Kuuriyada Waqooyi gantaal dul mariso dalka Jabaan.

War ka soo baxay Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi KimJong un ayaa lagu sheegay in ay dhamasytirayaan barnaamijkooda nukliyeerka.

Comments are closed