Madaxweyne Cabdi “300 oo Ruux Xukuumadda DDSI Soo Badbaadisay”

Jigjiga (estvlive) 16/09/2017

Madaxweynaha dowlad deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Cabdi maxamuud Cumar, ayaa sheegay in ciidamada maamulka soo badbaadiyeen sida uu hadalka u dhigay 300 oo ruux Soomaali oo ay sida uu sheegay la damacsanaa in lagu laayo deegaanka Oromada.

Madaxweynaya ayaa sheegay in dadkan intooda badan laga soo badbaadiyay magaalada Hawaday ee dalka Itoobiya, kaddib markii halkaasi lagu dilay 42 ruux oo Soomaali ah.

Waxaa uu hadalka ka sheegay madaxweynaha Aas wadareed loo sameynaayay 18 ruux oo ka mid ahaa dadkii Soomaalida ahaa ee lagu laayay magaalada Hawaday ee dalka Itoobiya.

Oromo badan oo ku sugnaa magaalaooyinka Soomaaliland ayaa halkaasi ka cararay iyaga oo ka cabsi qaba in la bartimaameedsado.

 

Comments are closed