Maxamed Cabdi Waare oo loo doortey Madaxweynaha Hirshabelle

Jawhar (estvlive) 16/09/2017

Maxamed Cabdi Waare ayaa ku guuleystey tartankii madaxweynaha maamulka Hirshabelle, waxaana uu noqonaya Madaxweynihii labaad ee maamulkaasi yeesho mudadii uu jirey ee sanadka ahayd.

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa kala madoortey sideed Musharax oo buuxiyey shuruudaha kuwaas oo maanta ku tartamey xilka Madaxweynaha.

Wareegii u danbeeyey waxaa isugu soo harey Musharax Maxamed Cabdi Waare Musharax Daahir Cabdulle Cawaale

 

Wareegii labaad ayaa Maxamed Cabdi Waare urursadey codad ku filan oo ku noqon karo Madaxweynaha kumeelgaarka ah ee Hirhsabelle, waxaana uu helay codad gaaraya 74 cod, waxaana uu ka guuleystey Daahir Cabdulle Cawaale oo helay 23 cod oo keliya, waxaana isla waregan ku tanaasuley musharixiintii kale ee codadka yar helay.

Maxamed Waare ayaa sanadii hore kula tartamey xilka Madaxweynhii la cayriyey Cali Cabdullaahi Cosoble, waxaana nasiibku u siiyey muddo sanad ka yar in uu mar kale u tartamo xilka kuna guuleysto.

Madaxweynaha cusub ee Hirshabelle loo doortey ayaa isla maanta xilka loo dhaariyey.

Maamulka Hireshbaelle ayaa dhismihiisi ahaa mid aad u adag oo socdey wax sanad ka badan, bishii Agoosto ayaa Xildhibaanada Baarlamaanku ay xilkii ka xayuubiyeen Cali Cabdullaahi Cosoble, maamulka oo jirey muddo sanad ah ayaan weli yeelan haykal maamul, waxaana Cali Cabdullaahi lagu eedeeyey xil gudasho la’aan iyo in uu fariisain ka dhigtey Muqdisho.

 

Comments are closed