Nin dhalinyaro ah oo loo qabtay weerarkii Treenka dhulka hoostiisa mara ee magaalada London

London (estvlive) 16/09/2017

Ciidamada amaanka dalka Britain ayaa sheegay in la qabtay nin dhalinyaro nin18 jir kaasi oo la tuhunsan yahay in uu ka dambeeyay qarax lala beegsaday mid ka mid ah Tareennada mara dhulka hoostiisa mara, ee magaalada London.

Ninkaan ayaa hadda lagu hayaa xarun ay booliska leeyihiin waxaana ku socda baaritaan sida ay sheegeen laamaha ammaanka.

Booliska ayaa sheegay in qabashada ninkaan ay suura-gashay markii ay wareysteen goob-joogayaal islamarkaana ay baahiyeen Sawiradda iyo muuqaalada rag uu ka mid yahay ninka la qabtay.

Ma jirto wax dhimasho ah oo lasoo wariyay hasse ahaatee, 30 qof ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi oo shalay lala eegtay tareenka.

Hay’addaha ammaanka Britain ayaa sare u qaaday heerka feejignaanta iyo suggida ammaanka, kadib markii ay sheegeen in ay dhici karaan weeraro kale oo araggaixiso.

Comments are closed