Tababar Loo Furay Macalimiinta Iyo Shaqaalaha Kuliyada Caafimaadka Jigjiga.

Jigjiga (estvlive) 18/09/2017

Tababar uu soo diyaariyay xafiiska tababarada xirfadaha iyo farsamada DDSI oo loo qabtay macalimiinta iyo shaqaalaha kuliyada caafimaadka ee jigjiga  ayaa  furmay hoolka shirarka ee kuliyada caafimaadka jigjiga.

Tababarkan oo ay  ujeedadiisu tahay  kobcinta awooda tayada aqooneed ee macalimiinta kuliyadaha deegaanka , xoojinta iyo dhisida ciidan horumarineed iyo sidii macalimiinta iyo shaqaalaha kuliyada fahan balaadhan loogu siin lahaa  fulinta jihooyinka iyo istaraatajiyadaha dhinaca TVETka.

 

Waxaana, furitaankii tababarkan ka hadlay wasiirka xafiiska tababarada xirfadaha iyo farsamada DDSI mudane Naasir Xasan oo sharax dheerka bixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka tababarkan isaga oo sheegay in uu yahay mid ka socda dalkeena oo dhan islamarkaana ka furmay maanta kuliyada deegaanka wasiirka ayaa sheegay in mudada uu tababarkani socdo si Xeel dheer loogu gorfayndoona fulinta iyo meelmarinta qorshaha 2010TI ee dhinaca sactarka TVETKA  isaga oo ku booriyay barayaashan iyo shaqaalaha kuliyada in ay si qoto dheer uga faa’iidaystaan mudada uu tababarku socdo

Dhankiisa wasiir ku xigeenka xafiiska tababarada xirfadaha iyo farsamada DDSI mudane Cabdirisaaq Saxane Cilmi oo ka hadlay furitaankii tababarkan ayaa sheegay ahmiyada uu tababarkani u leeyahay macalimiinta iyo shaqaalaha kuliyadaha islamarkaana uu yahay mid ku taxa luqa doorka ay macalimiintu ku leeyihiin soo saarida arday tiro iyo taya leh  wasiir ku xigeenka ayaa  tilmaan dheerka bixiya istaraatajiyadaha iyo jihooyinka horumarineed uu u dajisan sactarka waxbarashada   isaga oo ku booriyay   macalimiinta iyo shaqaalaha loo furay tababarka in mudada uu  socda tababarku ka qaataan kaalin fir-fircoon si ay natiijada tababarku u noqoto mid waxwayn ka qaadata xawaaraha hirgalinta qorshayaasha horumarka. Wasiir ku xigeenka ayaa intaasi ku daray  in tababarkan socondoomo mudo 5 maalmood ah.

Comments are closed