Jaaliyadda DDSI ee Germany Xaleyto Si Toos Ugu Qeybgalay Xaflad Conference Jigjiga lagu Qabtay

Germany (estvlive) 21/09/2017

Jaaliyadda DDSI ee Germany ayaa xaleyto ka Qeybgalay Kulan Baroordiiq ah taasoo oo Tacsi loogu dirayo Shacabkii Dawlad deegaanka Somalida Itoobiya lagu laayey Deegaannada Oromada.

Xaflada ayaa waxaa siweyn qaar kamid ah jaaliyaddaha DDSI ee Qurbaha Sida Yurub iyo Mareykanka iyo Carabaha Ayaa Khadka Telfoonka kala socday.

Xafladaasi ayaa aheyd mid qurbajoogta loo qabtay lakin waxaa soo galay Baroordiiq madaama oo shacab DDSI si xaq daro ah lagu laayay ayaa ajandaha noqotay in loo tacsiyadeeyo eheladii dadkii lagu laayay deegaanka oromada.

Xaflada Qurbajoogta ayaa waxaa ka soo qeybgalay wakiilo ka socda jaaliyadda DDSi ee Germany Isla-markaana madaxweynaha DDSI Cabdi maxamuud Cumar ayaa gudoonsiyay Shahaado Sharaf Jaaliyadda DDSi ee Germany waxaana u Gudoomay Afhayeenka jaaliyadda DDSi Germany Mudane Bashiir Cabdi Xasan.

Ugu dambeytii Jaaliyadda DDSI ee Germany oo Xaflada ku qabsaday Magaalada frankfurt ayaa warbaahinta DDSi u sheegay in ay cambaareynayaan Dadkii ka dambeeyay weerarkii lala beegsaday Qowmiyadda Somalida Itoobiya waxeyna tacsi u direen eheladii dadkii lalaayay.

Comments are closed