Diyaaraddii Lufthansa ee afduubka lagu geeyey Soomaaliya 1977 oo Muusiyam la dhigay

Muqdisho (estvlive) 24/09/2017

Diyaaraddii shirkadda Lufthansa ee dalka Jarmalka ee ay afduubteen koox u dhalatey Falastiin, 40 sano ka hor ayaa hadda dib loogu celiyey dalka Jarmalka waxaana la dhigey Madxaf ama Muusiyam loo daawasho tago.

 

Diyaaradda Lufthansa ee la afduubtey ayaa ka soo duushey magaalada loo dalxiiska tago ee Mallorka ee dalka Isbeyn, waxaana ay ku jeedey magaalada Frankfurt bishii Oktober 1977. Diyaaradda ayaa ugu danbeyn lagu dejiyey caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, Kooxda afduubatey diyaaradda ayaa diley mid kamid ah duuliyaashii diyaaradda markii ay ku hor degtey dalka Yemen.

Kooxda Falastiiniyiinta ah ayaa dalbanaayey in xabsiga laga sii daayo koox iyaga ka tirsan. Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Jarmalka ayaa gaarey magaalada Muqdisho kadibna soo furtey diyaaradda iyo 86 qof oo rakaab ahaa.

Diyaaraddan oo nooceedu ahaa Boeing 737, ayaa kadib afduubka muddo shaqeyneysey waxaana ay muddo dheer fadhidey garoon diyaaradeed oo ku yaala dalka Brazil, maalintii shalay ee Sabtida ayaa diyaaradda la keeney magaalada Friedrichshafen ee dalka Jarmalka madxaf ku yaala.

Comments are closed