Lix qof oo ku dhaawacmey weerar sun loo malaynaayo magaalada London

London (estvlive) 24/09/2017

Lix qof ayaa ku dhaawacmey weerar looga shakisan yahay in loo adeegsadey walax sun ka samaysan, suuqa Stratford ee bariga magaalada London, sida laga soo xiganayo BBC.

Sida laga soo xiganayo Booliska London koox niman ah ayaa suuqa ku dhex buufiyey aalad khatar ah oo loo badinaayo in ay ahayd sun, waxaana ku dhaawacmey 6 qof.

 

Dadka dhaawaca ah oo dhawaacoodu khatar ahayn, ayaa waxaa la rumaysan yahay in lagu dhaawacay dhowr meelood oo kala duwan, taas oo keentay inay faafto cabsi ku saabsan in dadka si teelteel ah loo beegsanayo.

Hal qof ayaa Boolisku u qabteen oo arrintan looga shakisan yahay, Boolisku waxay sheegeen in dhacdadan aysan u baareyn sida weerar argagixiso in uu yahay

Comments are closed