Madaxweynaha Uganda “ AMISOM ma aha shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobey

Mareykanka (estvlive) 24/09/2017

Madaxweynaha dowladda Uganda ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ee ka howlgalla gudaha Soomaaliya aysan aheyn Shaqaalle ka tirsan Qaramada Midoobey ,laakiin ay yihiin ciidamo ay leedahay Qaaradda Afrika.

Museveni ayaa sheegay in marar badan uu maqlay in ciidamaddaasi ay yihiin ciidamo ka tirsan Qaramada Midoobey ,taasi ay tahay been abuur ,islamarkaana Qaramada Midoobey wax ka bixiso taakuleynta Ciidamada AMISOM.

Waxaa uu xusay, in aysan aheyn shaqaale Qaramada Midoobey ah, laakiin loogu tala galay in ay bixiyaan Adeegga dadweynaha oo Ammaanka ah, islamarkaana ay ka shaqeeyaan Xasilinta Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ka hadlayey kulan ay ku yeesheen madaxda Howlgalka Midowga Afrika AMISOM waxaana uu carrabka ku adkeeyay in doorka ciidamada AMISOM uu yahay mid loogu talagalay soo afjaridda dagaalada argagixisada Africa sida xasilinta Soomaaliya.

“AMISOM waa Ciidan afrikaan ah. Ma ahan shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay ama Soomaaliya, “ayuu yiri Museveni sida lagu sheegay war saxaafadeed uu soo saaray shalay.

Comments are closed