Xildhibaanno Cadaado ku shiray oo sheegay in ay xilka ka qaadeen madaxweyne Xaaf

Cadaado (estvlive) 26/09/2017

Kulan magaalada Cadaado ay ku yeesheen mudanayaasha baarlamaanka Galmudug ayeey kaga dhawaaqeen goor dhaw oo caawa ah in ay kalsoonida kala noqdeen madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Xildhibaannada oo kulan ku yeeshay mid ka mid ah Hoteellada Cadaado ayaa sheegay in 52 Xildhibaan ay xilka ka qaaday Madaxweyne Xaaf.

Xildhibaannada sheegay in ay kalsoonida kala noqdeen madaxweyne Xaaf ayaan fadhigooda isaga dhax doorta guddoon madaama guddoomiyihii baarlamaanka uu sheegay in uu xabsi guri ku yahay madaxtooyada Cadaado.

Axmed Yuusuf Ciyoow oo si KMG ah ay ugu doorteen guddoomiye ayaa ku dhawaaqay natiijada, waxaa uu sheegay in 52 Xildhibaan ay u codeeyeen in ay kalsoonida kala laabteen Madaxweyne Xaaf, halka labo ay diiday xildhibaan kalana uu ka aamusay.

Goor sii horeysay Xildhibaano ka tirsan Galmudug ayaa sheegay inay mooshin ka keeneen Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir oo xabsi guri ku ah Madaxtooyada Cadaado.

Wixii ka soo kordha arimaha siyaasadeed ee ka taagan Galmudug waan idin soo gudbin doonnaa.

Comments are closed