2-Qof dhimasho Muqdish weerar lagu qaaday gaariga guddoomiyaha Ururka haweenka Qaranka

Muqdisho (estvlive) 27/09/2017

Rag hubeysan ayaa lagu waramayaa in goor dhaw oo maanta ah ku dileen degmada Xamar –Weyne ee gobolka Banaadir labo ruux oo la socday gaari yar oo sida la sheegay ay laheyd guddoomiyaha Ururrka haweenka Qaranka Batuulo Axmed Gaballe.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in gaari ay la socdeen ragga toogashada geystay lagu hor jaray gaariga kale kaddibna rasaas xoogan ku fureen, waxaana goobta ku geeriyooday xoghayihii joogtada Ururka haweenka Qaranka Canad C/llaahi Xaanshi iyo wiil ay dhashay guddoomiyaha Ururka haweenka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Jaamac darawalna ka ahaa gaariga la weeraray.

Kooxda dilka geysatay ayaa goobta baxsatay sida warbaahinta u sheegeen goob joogayaal waxaana uu falkan gaar ahaan ka dhacy Isgoyska Via Rooma kana tirsan degmada Xamar-weyne ee gobalka Banaadir.

Comments are closed