35 xubnood oo Hay’ada DDG tababar ugu soo xidhay magaalada Laascaanood

Laascaanood (estvlive) 27/09/2017

Hay’ada DDG oo ka hawal gasha gobolka Sool ayaa tababar soconayay 5 cisho waxaa loo soo xiray 35 xubnood oo loo tababaray xalinta khilaafaadka magaalada Laascaanood.

Duqa dagmada Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale ayaa ka qayb qaatay xidhitaanka isagoo sheegay in tababarkan uu ahaa mid loo baahi qabay kuna soo beegmay xili uu dhaqdhaqaaq colaadeed ka soo cusboonaaday koonfurta gobolka Sool.

Xubnahan loo qabtay tabarka ayaa ka kala socday labo beelood oo wada daga koonfurta gobolka Sool oo dhawaan la soo afjaray colaado muda dheer socnayay ayna ku naf waayeen kudhawaad boqol qof.

Mas’uuliinta hay’ada DDG ayaa bogaadin u soo jeediyay xubnaha ka qayb qaatay kulankan waxayna kula dardaarmeen in ay ka faa’idaystaan mudadii Shanta cisho ahayd casharadii la soo barayay , ayna u adeegsadaan xalinta khilaafaadka soo noqnoqda ee sababa colaadaha.

Hay’ada DDG oo ka mid ah kuwa samafalkaa ee ka asaasan gobolka ayaa mudooyinkii danbe ka qayb qaadanaysay xalinta khilaafaadka soo food saara bulshada Ku dhaqan deegaanadani.

Comments are closed