Dumarka Sacuudiga oo loo fasaxay in ay Gawaarida kaxeyn karaan

Sacuudiga (estvlive) 27/09/2017

Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa markii u horeysay Haweenka u ogolaaday haweenka in ay wadi karaan gaadiidka, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Boqor Salmaan ayaa soo saaray wareegto Haweenka u ogolaanaya in la siiyo ruqsadaha wadista gaadiidka.

Sacuudi Carabiya ayaa ahaa dalka kaliya ee Adduunka ka mamnuucay Haweenka inay gaadiid wadaan.

Go’aankan ayaa la sheegay in uu dhaqan gali doono bisha Jun sanadka 2018 ee nagu soo foolka leh.

Kooxaha Xuquuda aadanaha ayaa sanado badan waday olole ku aadan sidii haweenka Sacuudiga loogu ogolaan lahaayeen inay baabuur wadaan.

Qaar ka mid ah haweenka Sacuudiga ayaa la ganaaxay, lana xabisay, taasi oo ugu wacneed markii ay ku dhiiradeen inay kaxeeyeen gaari.

Waxaa soo dhaweeyay go’aanka Boqorka Sacuudiga oo markii hore sheegay in ay dhibaato weyn ku qabeen wadis la’aanta gadiidka.

Comments are closed