Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka hadlay xiisada siyaasadeed ee Galmudug

Hirshabeelle (estvlive) 27/09/2017

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arimo dhowr ah oo quseeya siyaasada dalka, gaar ahaan xiisada ka dhalatay khilaafka Khaliijka iyo arinta Galmudug.

Madaxweyne Waare ayaa ugu horeyn soo dhaweeyay baaqii ka soo yeeray madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo ku baaqay leysugu yimaado shir wada tashi ah si looga gudbo is qab qabsiga xasarada siyaasadeed ee kacsan.

Dhinaca kale madaxweyne Waare ayaa soo hadal qaaday khilaafka Galmudug, wuxuuna sheegay dhisida maamulkan in dhibaato badan laga soo maray, hadana aanan loo baahneyn in la dumayo maamulkan.

‘’Waxaan leeyahay dhismaha maamulka Galmudug dhibaato badan ayaa laga soo maray, ma’aha in la dumiyo dadka arintaa ku howlan waxaan leeyahay halaga fiirsado, khilaafkana lagu xaliyo wadatashi’’ ayuu yiri madaxweyne Waare.

Khilaafka u dhaxeeya madaxda maamulka Galmudug ayaa sii xoogeystay kaddib markii gudoomiyaha baarlamaanka iyo sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Galmudug ay sheegeen in ay xabsi guri ku jiraan.

Comments are closed