Wasaaradda Warfaafinta Federaalka oo u Hadashey Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ogaal La’aan – Xiisadda Galmudug

Muqdisho (estvlive) 27/09/2017

Qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan maamulka Galmudug ayaa sababay in qoraalo is khilaafsan ay ka soo baxaan Xukuumadda Federaalka ah, kuwaas oo qaarna lagu taageerayo go’aankii qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, halka kan kale lagu beeninaayo qoraalkaas jiritaankiisa

 

 

Kadib markii Taaladadii shalay qaar kamid ah Xildhibaanada Galmudug ay sheegeen in ay xilkii ka qaadeen Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa Dowladda federaalka ka soo baxay qoraal lagu taageerayo go’aankaas.

Qoraalka taageerada ayaa ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta, waxaana loo dhigey in ay ka soo baxdey Wasaaradda Arrimaha Gudaha, qoraalkaas ayaa soo marey wadddo sax ah ama halkii Wasaaradda Warfaafintu kala xiriiri jirtey warbaahinta kale, taas oo caddeyneysa in qoraalka aan laga soo dirin waddo khaldan.

Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Federaalka oo shaqadeedu tahay in ay gasho arrimaha ka taagan Galmudug ayaa soo saartey qoraal rasmi ah oo uu ku saxiixan yahay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Faarax Siciid, waxaana qoraalku waxba kama jiraan ku tilmaamey kii ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee u hadashey isla wasaaradiisa isaga oo aan waxba ka ogeyn, qoraalka ka soo baxay Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ah mid xaaladda lagu dejinaayo, waxaana uu yahay mid lagu taageerayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf, laguna dalbanayo in xaaladda la dejiyo.

Dowladda Federaalku waxay waxba kama jiraan ku tilmaantey go’aankii aan dastuurka waafaqsaneyn ee Xildhibaaano tiro yar gudaha magaalada Cadaaado ku gaareen.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax

Haddaba maxay tahay sababta Wasaaradda Warfaafintu ay ugu hadashey Wasaarad kale iyada oo aan soo xiganeyn?. Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Warfaafintu miyaanu keeney jaahwareer oo uu sii murgineyn xaaladda cakiran ee ka taagan Galmudug iyada oo qoraalku yahay been abuur sida lagu sheegay warka ka soo baxay Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Qoraalka ka soo baxay Warfaafinta waxaa lagu daabacay barta Twitter-ka ee Warsaadda, kan facebook iyo weliba wakaaladda wararka ee SONNA. Warar aan la xaqiijin oo laga soo xiganayo Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegaya in qoraalka uu gaarsiiyey Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdullaahi Faarax Wehliye, haddii ay taasi run tahay qoraalkan waa mid Dowladda gelin kara Jaahwareer, waxaana khasab ah in qof shaqadiisa ku waayo, marka la tixraaco sida Dowalddu u baahisey dhacdadii Bariire iyo go’amaadii Raysalwasaaruhu ka qaatey hagaajinta wararka ka baxaya Dowladda.

Hoos ka kahrti labada qoraal ee iska soo horjeeda.

Comments are closed