Xildhibaanno ka tirsan Labad Aqal ee dowladda oo kulan la qaatay madaxweyne Xaaf

Cadaado (estvlive) 27/09/2017

Mudanayaal ka tirsan Labada Aqal ee dowladda oo gaaray magaalada Cadaado ayaa kulan la leh madaxweynaha Galmudug la sheegay in kalsoonida lagala noqday Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Wafdiga tagay Cadaado ayaa waxaa hogaaminaya guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Aqalka sare Abshir Bukhaari, waxaana sidoo kale ka mid ah tiro kale oo xildhibaanno ah oo dhamaantood laga soo doorto deegaannada Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanada ay kulamo gaar gaar la qaadan doonaan dhinacyada kala duwan, ayna ka dhageysan doonaan tabashadooda iyo waxa ay qabaan.

Arrintan ayaa ka dambeysay kaddib markii Xildhibaano ka tirsan Galmudug ay sheegeen inay xilka ka qaadeen Madaxweyne Xaaf, iyadoo war saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha lagu taageeray go’aanka Xildhibaanada Galmudug.

Madaxweyne Xaaf oo warbaahinta la hadlay ayaa beeniyay in xilka laga qaaday, isagoo xusay in toban xildhibaan oo meel isugu tagay aysan xilka ka qadi karin

Comments are closed