Waxaana ugu horayntii kulankan ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar sheegay in ujeedada kulankani tahay sidii looga tashan lahaa taakulanta iyo gar-gaarka la gaadhsiinayo dadkii soomalida ahaa ee ka soo barakacay deegaanka oromiya madaxwaynaha ayaa sheegay in qofkasta oo soomaliya oo jooga gudaha dalkeena itoobiya iyo dibadaba looga baahan yahay in ay kaalin mug leh ka gaystaan gar-gaarka la gaadhsiinayo dadkii soomalida ahaa ee iyaga oo aan waxba galabsan dambina aan galin kaliya lagu soo barakiciyay magaca soomalinimada taasi oo loo baahan yahay in shaqaalaha dawlada, ganacsatada, qurba, maamulada degmooyinka gobolada iyo shaqsi kasta oo soomaliya looga baahan yahya in si muwaadin-nimo leh uga gaystaan gar-gaar mug leh. Madaxwaynaha ayaa sheegay in isku dhacyada labada shacab ee wada dega xuduuda labada deegaan ee soomalida iyo oromadu ka abuur-mijiray wakhtiyadii hore horumar la aantii dhinaca jidadka iyo isku socodka degmooyinka iyo gobolada oo aad u leetay balse maanta guulo waawayn laga gaadhay dbinaca isku socodka deegaanka gudihiisa oo laga baxay kala qoqobnaantii iyada oo deegaanka laga suurta galiyay buundooyin iyo wadooyin sahlaya isku socodka bulshada deegaanka iyo gobolada DDSI madaxwaynaha ayaa carabka ku adkeeyay cadawkasta lagaga guulaysan karo hirgalinta hawlaha horumarka.
madaxwaynaha oo hadalkiisa sii wata aayaa sheegay in xukuumada DDSI qaadatay qorshayaal lagu tir tirayo fikirada xun xun ee mashaqaystenimada iyada oo la sameeyay shirkada tabac iyo maal (TM) taasi oo suurtagalinaysa sidii bulshada deegaanku u noqonlahaayeen kuwa isku filnaansho dhinackasta leh gaadha taasi oo xooga saaraysa abuuritaanka xirfadlayaasha dhiig joojinta saboolnimada madaxwaynaha yaa sheegay in xukuumada DDSI xooga saartay hirgalinta qorshayaasha horumarka waara iyada oo hadda xadhiga laga soo jaray mashruuca biyo galinta masaafada dheer iyo horumarinta dhul daaqsimeedka birqod, gunagado, dig, marsin, iyo gaashaamo kaasi oo fulintiisa ka dib bulshada xoolo dhaqatada ee dhul-daasimeedka deegaanadu ku tilmaameen mashruuca filan-waa
dhankooda waxaa ka hadlay kulankan odayaal dhaqameedka deegaanka ganacsatada iyo shaqaalaha xafiisyada heer deegaan kuwaasi oo sheegay in ay kaalin mug leh ka qadanayaan gar-gaarka la gaadhsiinayo shacabka soomalida ee ka soo barakacay deegaanka oromada waxayna hoosta ka xariiqeen in ay kaalin mug leh ka qaadanayaan taaba galinta qprshayaasha horumarka.
Comments are closed