DAAWO Kulan looga Hadlay Taakulaynta Shacabkii DDSI ee Ka Soo Barakacay D-Oromada & Horumarka DDSI Kajira

Jigjiga (estvlive) 28/09/2017

 

 

Kulan balaadhan oo lagaga hadlay xaalada horumarka deegaanka iyo taakulaynta dadkii soomalida ahaa ee ka soo barakacay deegaanka oromada ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee kaali 1 ee xarumta madaxtooyada DDSI.

Kulankan oo uu hogaaminayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamauud Cumar oo uu wehelinayo afhayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq ayaa waxaa ka soo qaybgalay dhamaan masuuliyiinta  heer deegaaka, dhamaan shaqaalaha hay’adaha kala duwan ee heer deegaan, ganacsatada, hogaaminta odayaal dhaqamedka deegaanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

 

Waxaana ugu horayntii kulankan ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar  sheegay in ujeedada kulankani  tahay sidii looga tashan lahaa   taakulanta iyo gar-gaarka la gaadhsiinayo  dadkii soomalida ahaa ee ka soo barakacay deegaanka oromiya madaxwaynaha ayaa sheegay in qofkasta oo soomaliya oo jooga gudaha dalkeena itoobiya  iyo dibadaba looga baahan yahay in ay kaalin mug leh ka gaystaan gar-gaarka la gaadhsiinayo dadkii soomalida ahaa  ee iyaga oo aan  waxba galabsan dambina aan galin  kaliya lagu soo barakiciyay magaca soomalinimada taasi oo loo baahan yahay in shaqaalaha dawlada, ganacsatada, qurba, maamulada degmooyinka gobolada iyo shaqsi kasta oo soomaliya looga baahan yahya in  si muwaadin-nimo leh uga gaystaan  gar-gaar mug leh.  Madaxwaynaha ayaa sheegay in isku dhacyada labada shacab ee wada dega xuduuda labada deegaan ee soomalida iyo oromadu  ka abuur-mijiray wakhtiyadii hore  horumar la aantii dhinaca jidadka iyo isku socodka degmooyinka iyo gobolada oo aad u leetay  balse maanta guulo waawayn laga gaadhay dbinaca isku socodka deegaanka gudihiisa oo laga baxay kala qoqobnaantii iyada oo   deegaanka laga suurta galiyay buundooyin iyo wadooyin sahlaya isku socodka bulshada deegaanka iyo gobolada DDSI  madaxwaynaha ayaa carabka ku adkeeyay cadawkasta lagaga guulaysan karo hirgalinta hawlaha horumarka.

madaxwaynaha oo hadalkiisa sii wata aayaa sheegay in    xukuumada DDSI qaadatay qorshayaal lagu tir tirayo fikirada xun xun ee mashaqaystenimada  iyada oo la sameeyay shirkada tabac iyo maal (TM) taasi oo suurtagalinaysa sidii bulshada deegaanku u noqonlahaayeen kuwa isku filnaansho dhinackasta leh gaadha taasi  oo xooga saaraysa abuuritaanka xirfadlayaasha dhiig joojinta saboolnimada madaxwaynaha yaa sheegay in xukuumada DDSI xooga saartay hirgalinta qorshayaasha horumarka waara iyada oo hadda xadhiga laga soo jaray  mashruuca biyo galinta masaafada dheer iyo horumarinta dhul daaqsimeedka birqod, gunagado, dig, marsin,  iyo gaashaamo kaasi oo fulintiisa ka dib bulshada xoolo dhaqatada ee dhul-daasimeedka deegaanadu ku tilmaameen mashruuca filan-waa

dhankooda waxaa ka hadlay kulankan odayaal dhaqameedka deegaanka ganacsatada iyo shaqaalaha xafiisyada heer deegaan kuwaasi oo sheegay in ay kaalin mug leh ka qadanayaan gar-gaarka la gaadhsiinayo shacabka soomalida ee ka soo barakacay deegaanka oromada waxayna hoosta ka xariiqeen in ay kaalin mug leh ka qaadanayaan taaba galinta qprshayaasha horumarka.

Comments are closed