Dowladda Soomaaliya oo hadashay khilaafka kala dhaxeeya maamul gobolleedyada iyo xiisada khaliijka

Sacuudiga (estvlive) 28/09/2017

Wasiirka arimaha dibeda Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo ka mid ah wafdiga madaxweynaha dowladda Soomaaliya ku wehlinaya booqashada Sacuudi Arabia ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul gobolleedyada ee qaatay mowqifka ka dhanka ah kan dowladda ee la xiriira xiisada Khaliijka.

Yuusuf Garaad oo u waramayay Idaacada VOA ayaa sheegay in ay jiraan sida uu hadalka u dhigay dhowr madaxweyne oo ka tirsan kuwa maamul gobolleedyada oo taageero u muujiyay garab ka mid ah wadamada isku haya xiisada Khaliijka arintaa oo sida uu hadalka u dhigay ah mid sharciga baalmarsan

‘’Wey jirtaa in dhowr madaxweyne oo kuwa maamul gobolleedyada ka tirsan ah in ay qaateen mowqif ka duwan kan dowladda dhexe, dabcan dalka dastuur ayuu leeyahay, sharci u qoran ayaa jira, dowladda federaalka waa la yaqaanaa doorka ay leedahay, mas’uuliyada federaalka ayaa waxaa ay tahay in dowladda dhexe iyadu maamusho arrimaha dibeda, arinta dowlad gobolleedyadu ka hadlayaan arin dastuurku u fasaxayo ma’aha’’ayuu yiri wasiirka arimaha dibeda dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa meesha ka saaray in wafdiga madaxweynaha ee tagay dalka Sacuudiga marnaba isla soo qaadeen mas’uuliyiinta sare ee dalkaas mowqifka dhaxdhaxaadnimo ee dowladdu ka qaadatay khilaafka wadamada Carabta.

Waxaa uu sheegay in madaxda Sacuudiga ka wada hadleen in iskaashi sameystaan, isagoo xusay in wax is-beddel ah aanu ku iman mowqifkii dhex-dhexaadnimo ee dowladdu ay ka qaadatay xiisadda Khaliijka.

Dagaalka siyaasadeed ee u dhaxeeya wadamada Carabta ayaa hadda u muuqda mid saameyn weyn ku yeeshay siyaasada arrimaha gudaha Soomaaliya oo hadda gaartay heerkeedii ugu sareeyay dhanka khilaafka marka la eego.

Comments are closed