Faah faahin Qarax ka dhacay degmada Xamar-weyne oo sababay dhimashada dad rayid ah

Muqdisho (estvlive) 28/09/2017

Inta la ogyahay Todobo ruux oo rayid ah ayaa ku dhimatay ku dhawaan 10 ruux kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax culus oo maanta ka dhacay degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir.

Dadka dhintay ayaa la sheegay in ay u badnaayeen dad shacab ah oo saarnaa gaari caasi ah iyo kuwa kale oo marayay heeraha waddada kaddib markii uu goobta ku qarxa gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Wariye tagay halka uu qaraxa ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in uu arkay meydadka ilaa 7 ruux, hasse ahaatee dhimashada ayaa loo maleynayaa in ay intaa ka sii badan tahay, iyadoo gaadiidka gurmadka deg dega ah mashquul ku yihiin qaadista dadka ay wax yeellada soo gaartay.

Comments are closed