Turkiga oo fulinaya ballanqaadkii ahaa in ay dhisayaan 10 Kun oo Guri

Turkiga (estvlive) 28/09/2017

Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Olgan Bekar ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin caawinaada turkiga uu siiyo Soomaaliya sida gargaarka, caafimaadka, mashaariicda horumarineed iyo kuwa kale.

Danjiraha oo ka hadlayey ballan qaadkii uu sameeyey madaxweynaha Turkiga booqashadiisii ugu dambeysay ee Muqdisho uu ku yimid ee ahaa 10-kun oo guri in ay ka dhisi doonaan Soomaaliya, ayaa sheegay in mashruucaasi fullintiisa ay ku howlan yihiin, isagoo xusay in uu dhacay hakad yar oo dhinaca dhaqaalaha ah, sida ugu dhaqsiyaha badanna u guda geli doonaan fulinta mashruucaasi oo uu sheegay in ay ku baxeyso dhaqaalo badan.

Danjire Bekar oo soo hadal qaaday dhinaca caafimaadka ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay ka hirgaliyeen xarumo caafimaad sida Istbitaalka Rejeb dayib Erdogan (EX DIGFEER), haddii ay la kulmaan howlwadeenadooda caafimaad, kiis Soomaaliya aysan waxba uga qabin karin ayuu sheegay safiirka in ay ka shaqeeyaan in dalka turkiga lagu daweeyo bukaanadaasi, iyagoo wax sharruud ah aan lagu xirin.

Amb Olgan Bekar si gaar ah ayuu u faahfaahiyey Isbitaalka Ex Digfeer ee Rajeb Dayib Erdogan iyo Shaqooyinka caafimaad ee uu qabto, isagoo sheegay in Isbitaalkaasi uu yahay kan ugu weyn ee Gobolka Geeska Afrika ku yaalla, dad kala duwan oo ka kala yimid Gobolada dalka Soomaaliya iyo Qeybo ka mid ah Kenya ayuu sheegay in Isbitaalka EX DIGFEER ay u yimaadaan arrimo Caafimaad, waxaana uu xusay in rajo weyn isbitalkaasi uu galiyey Bulshada Soomaaliyeed, addeegyadiisa Caafimaadna ay aad ugu kalsoon yihiin.

Waxaa uu sheegay Danjire Bekar in dhawaan Isbitaalka Digfeer uu qaatay kalkaaliyeyaal cusub oo Soomaali ah, kuwaasi oo Imtixaan u galay shaqadaan, laguna kala xushay heerka Aqoontooda, waxaana uu sidoo kale sheegay in ay ku howlan yihiin horumarka iyo tayeynta addeegyada laga helo Isbitaalka Rajeb dayib Erdogan EX DIGFEER, si Soomaaliya ay uga maaranto baahi caafimaad oo Dibada ah.

Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya Danjire Olgan Bekar, ayaa iftiimiyey in imaatinkooda Soomaaliya salka uu ku hayo garab istaag dhab ah inay u muujiyaan Ummadda Soomaaliyeed, ayna ka daali doonin howlaha gargaarka ah, isagoo carabka ku dhuftay in mashruucyo badan oo horumarineed ay fuliyeen, kuwa kalana ay wadaan.

Mashruucii ugu dambeeyey ee Soomaaliya ay ka fuliyeen ayuu ku sheegay in uu yahay dugsi lagu baranayo duulimaadka oo Muqdisho ay ka hirgaliyeen, September 26, 2017 ayaana albaabada loo furay dugsigaasi, kaas oo ujeedada ay ka leeyihiin uu ku tilmaamay in ay tahay soo nooleynta howlihii duulimaad ee dalka Soomaaliya uu lahaa, waxaana uu tilmaamay in dhawaan xarriga ay ka jari doonaan dugsiga tababarka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed oo ku yaalla dulleedka magaalada Muqdisho.

Comments are closed