Qatar iyo Cumaan oo gaaray heshiis ganacisa dhanka badda

Qatar (estvlive) 30/09/2017

Dowlada Qatar ayaa heshiis iskaashi ganacsi la gashay shirkada laga leeyahay dalka Cumaan ee ganacsiga maraakiibta oo loo yaqaan Naseera.

Heshiiskan ayaa la doonayaa in shirkadaasi laga leeyahay cumaan ay ka shaqeyso ganacsiga dhanka bada ee ka dhaxeeya labada dal, iyadoo shirkadaasi la wareegi doonto maraakiibta isaga kala gooshta labada dal iyo dalxiiska.

Dalka Qatar ayaa xayiraad dhanka badda, cirka iyo beriga ah kusoo rogeen dalalka ay jaarka yihiin ee khaliijka, (Sacuudiga, Imaraatiga, Baxreyn oo ay wehliso dowlada Masar).

Wadanka Cumaan ayaa kamid ah dalalka xubnaha ka ah ururka ay ku mideysan yihiin lixda dal Khaliijka ee GCC, balse diiday inuu ka qeyb qaato xayiraada la saaray Qatar.

Dalka soo haray ee Kuwait ayaa isagu hormuud hada u ah waan waanta laga dhex wado dalalkaasi khaliijka.

Qatar ayaa dadaal ugu jirta inay sii xoojiso xiriirka ay la leedahay dalalka kale ee gobalka si ay uga gaashaamato burburka ku imaan kara dhaqaalaheeda oo horey si weyn ugu xirnaa wadamada Sacuudiga iyo Imaaraatiga. Waxayna horey heshiisyo ganacsi oo noocaan ah bilihii lasoo dhaafay ulla galeen shirkado laga leeyahay Iran iyo Turkey.

Comments are closed