RW Khayre oo xariga ka jaray Saldhiga Turkiga ee Muqdisho

Muqdisho (estvlive) 30/09/2017

Raysalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xariga ka jaray saldhiga militari oo ay dowlada Turkiga ka dhistay magaalada Muqdisho.

Munaasabada xariga looga jarayey xaruntan cusub ayaa waxaa ku sugnaa saraakiil sare oo ka socota militariga dalka Turkiga.

Saldhigan oo ah kan ugu weyn oo ay dowlada Turkiga ka dhisatay Afrika ayaa la sheegay in sidoo kale lagu tababari doono ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Raysalwasaaraha ayaa sheegay inuu si weyn ugu mahadnaqayo dowlada Turkiga taageerada iyo mashaariicda ay ka fulisay dalka Soomaaliya, isagoona sheegay in xiriirka labada dal lasii xoojin doono.

Dowlada Turkiga ayaa mashaariic waaweyn ka fulisay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxayna halkaasi hada ku leedahay safaarada ugu weyn ee uu dalkaasi ku leeyahay bariga Afrika.

Sidoo kale illaha dhaqaalaha ee caasimada sida Madaarka Aden Cabdulle iyo Dekada weyn ee Muqdisho ayey maamulaan shirkado laga leeyahay wadanka Turkiga.

Comments are closed