USA: Xoghayihii Caafimaadka oo is casilay kadib fadeexad

Mareykanka (estvlive) 30/09/2017

Wasiirkii Caafimaadka ee Xukuumada Trump ayaa xilka iska casilay kadib markii ay soo baxday fadeexad ku aadan kharashka badan ee ku baxay safaro uu u kireystay diyaarado khaas ah.

Todobaadkan ayey saxaafada Maraykanka si weyn u hadal hayeen boqolaal kun oo dollar oo ku baxay duulimaadyada khaaska ah ee Wasiir Tom Price oo hada kamid noqday xubnaha sar sare ee iska casilay xukuumada Donald Trump.

Wasiirka ayaa 26 safar uu galay ay ku baxday in ka badan 400.000 dollar.

Madaxtooyada Maraykanka ee Aqalka Cad ayaa si weyn u dhibsatay warbixinada saxaafada ee la xariira kharashka badan ee ku baxa safarada mas’uuliyiinta sar sare ee xukuumada Trump oo horey u sheegtay inay beekhaamin doonto kharashka ku baxa hay’adaha dowlada.

Mr.Price ayaa sheegay inuu dib u bixinayo qeyb yar oo kamid ah kharashkii ku baxay safaradiisa lacag ka badan 51 kun oo dollar, lacagtaasi oo aad uga yar kharashkii isaga ku baxay.

Wasiirkan ayaa horey ugu fashilay inuu ka miro dhaliyo balanqaadii Madaxweyne Trump ee ahayd in la bedalo Sharciga Caymiska caafimaadka dalkaasi ee loo yaqaan ObamaCare oo ay xisbi xaakimka labo jeer ku fashileen inay laalaan.

Tom Price oo horey usoo ahaan jiray dhakhtar isla markaana muddo 10 sano ah xubin kasoo ahaa Kongareeska Maraykanka ayaa markii xilka loo magacaabay sheegay inuu wax weyn ka bedali doono nidaamka iyo adeega caafimaad ee dalkaasi, walow balanqaadkaasi uusan ku guuleysan waayey.

Comments are closed