Cali Gacal Casir ‘’ Waa wax laga xumaado in dad shacab ah xildhibaanno lagu sheego

Cadaado (estvlive) 01/10/2017

Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa waxba kama jiraan ku sheegay xil ka qaadistii la sheegay in lagu sameeyay Isaga iyo madaxweyne ku-xigeenka sida ay xalay Cadaado uga dhawaaqeen xildhibaanno ka tirsan maamulka.

‘’Guriga la leeyahay waa lagu shiray iyo halka aan ku xirranahay Anniga iyo madaxweyne ku-xigeenka 20 talaabo ayeey isku jiraan, waa wax laga xumaado in dad shacab ah oo meel leysugu keenay lagu sheego xildhibaanno ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

Cali Gacal Casir, ayaa sheegay in guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed mar horeba xilka laga qaaday kaddib markii uu muddo Afar bilood ah isaga maqnaa fadhiyada baarlamaanka.

‘’Ninka hadda la leeyahay waxaa uu shir guddoomiyay kulanka la sheegay in xilka nalooga qaaday Anniga iyo madaxweyne ku-xigeenka, ma’aha guddoomiye ku-xigeen baarlamaan ee waa xildhibaan caadi ah mar hore ayeey xildhibaannada baarlamaanka xilka ka qaadeen, sidaa daraadeed arrintan waxaan u argnaa oo kaliya rafasho iyo in khilaafka jira la sii adkeeyo oo kaliya’’ ayuu yiri guddomiyaha baarlamaanka Galmudug.

52 Xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Galmudug ayaa la sheegay in ay kalsoonida kala noqdeen guddoomiyaha baarlamaanka Cali Gacal Casir iyo madaxweyne ku-xigeenka maamulka.

Comments are closed