Hadaba xadhig kajar kadib ayaa wuxuu madaxwaynuhu kulan la yeeshay qaybaha kaladuwan ee bulshada islamarkaana ku baraarujyay inay ka faaiidaystaan horumarka laga fuliyay magaalada fiiq soona ceshadaan isku filnaanshaheenii. Wuxuuna madaxwaynu intaa ku daray inay kuliyadani tahay mid kamid ah dhiig joojinta saboolnimada ee ay xukuumadu ugu talagashay bulshada deegaanka loona baahan yahay inaad ka faaiidaysataan. Isagoo intaa kudaray inay bulshadu ka faaiidaystaan khayraadka dhulka kuna foorarsadaan khayraadka dhulkeena ee di’han islamarkaana soo saartaan waxsoosaarka dhulka.
Dhankooda waxaa ka hadlay qaar kamid ah bulshada ku dhaqan xarunta gobolka erer ee magaalada fiiq oo sheegay Inay aad oogu faraxsanyihiin kuliyadan dhiig joojinta ah ee maanta uu madaxwaynuhu xadhiga laga jaray islamarkaana si fiican ooga faaiidaysan doonaan. Waxayna bulshadu carabka ku dhufteen inay taageersanyihiin guud ahaanba mashaariicaha horumarineed ee uu madaxwaynaha iyo waftigiisu xadhiga kagajarayaan gaar ahaan mashaaricaha dhaxal galka ah ee laga fuliyay jidka udhaxeeya mayu iyo fiiq iyo buundada iskuxidha mayu iyo fiiq. Iyagoo sidoo kale xusay inay garab istaagi doonaan horumarka ay xukuumadu kawado guud ahaanba deegaanka islamarkaana ku foorarsan doonaan wax soosaarka dhulka.
Comments are closed