Gabar Soomaaliyeed oo u geeriyootay dhawac ka soo gaar duufaan ka dhacday magaalada Ottawa

Ottawa (estvlive) 01/10/2017

Gabar Soomaaliyeed oo ku nooleyd magaalada Ottawa ayaa u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray duufaan ka dhacaday 27ka bishan September.

Garbartaas oo lagu magacaabi jiray Hibo Maxamed Yuusuf ayaa waxaa ku dhacay geed ay duufaanta soo riday xilli ay mareysay agagaarka Isbitaalka weyne ee Ottawa General Hosipital.

Allaha u naxariistee Hibo Maxamed Yuusuf ayaa xalay oo bisha September 30keedii ahayd ku geeriyootay Isbitaalka Civic Hospital ee magaalada Ottawa.

Hibo Maxamed Yuusuf ayaa ahayd gabar wax ka barata Jaamacadaha ku yaala magaalada Ottawa, waxayna jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Ottawa ku noqotay arrin naxdin leh, laakin qof waliba ajashiisa ma dhaafayo.

Marxuumad Hibo Maxamed Yuusuf ayaa la qorsheeyey in maanta oo Axad ah maydkiida la geyn doono Masjid Cumar si Janaasad loogu tukado.

Comments are closed