50 Ruux oo ku dhimatay toogasho ka dhacday dalka Mareykanka

Mareykanka (estvlive) 02/10/2017

Inta la xaqiijinayo 50 ruux ayaa ku dhimatay tiro kale oo intaa ka bandanna waa ay ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday goob uu ka socday bandhig faneed, magaalada Las Vegas ee gobolka Nevada ee dalka Mareykanka.

Madaxa booliiska degmada Clark Joseph Lombardo ayaa sheegay in laba Sarkaal oo aan xiligaas shaqo ku jirin ay sidoo kale ku dhinteen weerarka.

Lombardo ayaa sidoo kale sheegay in Ninka weerarka gaystay la dilay.

Waxaa uu sheegay in uu rumeysan yahay in ninka weerarka gaystay uu ahaa kaligiis oo aysan cidna wehlin, hase yeeshee waxaa la baadi goobayaa qof ay qol wada deganaayeen.

Ninka weerarka fuliyey ayaa la sheegay in uu koray dabaqa 32-aad ee hotelka Mandalay Baay, halkaasi oo uu dadka ka soo toogtay asaga oo wata qori nooca darran dooriga u dhaca ah.

Dad dhaawaca ah oo kor u dhaafaya 200, ayaa qaarkood la rumeysan yahay in xaaladdoodu ay halis tahay, waxaana laga cabsi qabaa in dhimashada ay intaas ka badato.

Comments are closed