Booliska Kanada oo nin Soomaali ah u qabtey weerarkii Edmonton

Edmonton (estvlive) 02/10/2017

Booliska dalka Kanada ayaa gartey oo qabtey qofkii ka danbeeyey weerarkii shalay ka dhacay magaalada Edmonton ee dalka Kanada, waxaana uu noqdey nin Soomaali ah oo Kanada magangelyo ka dalbadey.

Wargeyska The Globe Mail ayaa qoray in ninkaani yahay Soomaali 30 jir ah. Sida uu qorey wargeysku sanadkii 2015 ayaa Boolsika Kanada heleen fariimo la xiriira ninkan in uu faafinaayo fariimo xagjir ah, laakiin kiiskaas ayaa la xirey markii caddeymo waaweyn loo waayey. Boolisku weli si rasmi ah uma shaacin magiciisa, inkasta oo qaar kamid ah warbaahintu ay ku sheegtey Cabdullaahi Shariif Xasan.

Gelinkii danbe ee Sabtida ayuu gaari jiirsiiyey dhawr qof, goob ay ka socotey ciyaar, waxaana uu dhaawacay ilaa shan qof, kadibna waxa uu mindi geliyey nin ka tirsan ciidanka Booliska ee kamid ahaa kuwa baaritaanka ka wadey goobta, Habeenimadii Axaddu soo geleysey ayaa Boolisku soo qabteen ninkan.

Comments are closed