DAAWO USA: Ugu yaraan 20 qof ayaa lagu diley weerar ka dhacay magaalada Las Vegas

LAS VEGAS, NV – OCTOBER 01: Las Vegas police stand guard along the streets outside the the Route 91 Harvest country music festival grounds after a active shooter was reported on October 1, 2017 in Las Vegas, Nevada. There are reports of an active shooter around the Mandalay Bay Resort and Casino. (Photo by David Becker/Getty Images)

Mareykanka (estvlive) 02/10/2017

Booliiska ayaa wada hawlgal balaaran kadib markii NIN hubeysan uurasaas ku furtay shacab ku sugnaa goobaha loo dalxiis tago ee magaalada Las Vegas, dadka ayaa intooda badan ka qaybqaadanayeen bandhig faneed.

Ciidamada amaanka ayaa gebi ahaan xiray wadada dheer ee loo yaqaan Vegas Strip halkaasi oo ay ku yaalaan hotelada iyo xarumaha lagu khamaaro oo ay caan ku tahay magaaladaasi.

Wararka soo baxaya ayaa sheegay in rasaasta laga soo furay dabaqa uu ku yaalka Hotelka Mandalay Bay Hotel & Casino, waxaana la sheegay in rasaasta laga beegsanayey dadweyne ku sugnaa nawaaxiga hoteelkaasi.

Dhimashada ilaa hadda la xaqiijiyey ayaa ah 20 qof, halka dhaawucu ka badan yahay 100 qof, Waxaa la aaminsan yahay in dhamashadu aad uga badan karto intaas. Booliska ayaa gudaha u galay Hoteelka rasaastu ka soo dhacaysey ee Mandalay Bay hotel waxaana Boolisku heleen ninkii rasaasta dadka la dhacay oo meyd ah, sidoo kale Booliska ayaa xaqiijiyey in aysan jirin kuwo kale oo ka qaybqaatey toogashada, sida markii hore la shaaciyey ee la sheegay in laba qof iyo ka badan ay yihiin. Boolisku waxay sheegeen in ninku ahaa reer Las Vegas laakiin aysan magiciisa hadda shaacineyn, Booliska ayaa sheegay in ay baadigoob ugu jiraan haweeney la socotey ninka weerarka qaadey, Marilou Danley, magaceeda iyo sawirkeeda ayaa Boolisku ku shaaciyey Twitterka, iyaga oo dalbanaya in lala wadaago macluumaadkeeda.

View image on TwitterView image on Twitter

LVMPD @LVMPDMarilou Danley is being sought for questioning re the investigation into the active shooter incident. If seen please call 9-1-1!

Waa dhacdadii ugu xumey ee muddooyinkan ka dhacda dalka Maraykanka.

Sky News @SkyNewsPolice: More than 20 people killed and “well in excess of 100 injured” in  shooting

Comments are closed