Gollaha wasiirada Galmudug oo eedeyn u jeediyay dowladda federaalka

Galmudug (estvlive) 02/10/2017

Gollaha wasiirada maamulka Galmudug oo kulan ku yeeshay magaalada Cadaado ku eedeeyay dowladda federaalka in ay ka danbeyso sida ay hadalka ku dhigeen xiisada siyaasadeed ee ka dhaxtaagan maamulka.

Maxamed Aadan Cusmaan wasiirka warfaafinta Galmudug ayaa warbaahinta u sheegay in golaha Wasiirada ay ka digayaan cawaqib xumada ka dhalan karta in kooxdii laga soo abaabulay sida uu hadalka u yiri Villa Somalia ay soo saaraan go’aano kale kuwaas oo qalqalin ku abuuri kara Amniga deegaannada Galmudug.

Wasiirka ayaa sidoo sheegay in dowladda federalka ee Soomaaliya uu goluhu u soo jeedinayo in ay ilaaliso hanaanka Federaal-ka dalka islamarkaana ay ka shaqeyso xasilooni siyaasadeed, taas oo dalka u horseedi karta horumar iyo midnimo.

Shirka gollaha wasiirada Galmudug ay ku yeesheen Cadaado uu shir guddoominayay madaxweyne Xaaf ayaa lagu Ayiday ka qeybgalka kulanka uu ku baaqay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam {Axmed Madoobe] ee ka dhici doona Kismaayo.

Comments are closed