SPAIN: Shacabka Catalonia oo taageeray inay ka goostaan dalka Spain

People react as they gather at Plaza Catalunya after voting ended for the banned independence referendum, in Barcelona, Spain October 1, 2017. REUTERS/Susana Vera

Catalonia (estvlive) 02/10/2017

Ismaamulka Catalonia ee Waqooyiga dalka Spain ayaa shaaciyey natiijada aftidii loo qaaday in dhulkaasi looga dhawaaqo Wadan Madax banaan.

Aftidan oo ay Maxkamada Sare ee dalka Spain ku tilmaamtay mid sharci daro ah ayaa waxaa dadaal xoogleh u galay inay ka hortagaan xukuumada Spain oo amar ku bixisay in booliiska ay joojiyaan codbixintaasi.

Axadii shalay ayey booliiska iyo shacabka doonayey inay codka dhiibtaan ay gacanta iskula tageen goobaha codbixinta aftida ka dhaceysay, waxaana la sheegay in iska horimaadyadaasi ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 844 qof.

 

Inkastoo la xiray in badan oo kamid ah goobihii loogu talo galay in codbixinta ay ka dhacdo ayaa hada ismaamulka Catalonia oo ah kan soo diyaariyey aftidan sheegay inay codkooda dhiibteen in ka badan 2.2 milyan oo qof.

Wuxuuna maamulka Catalonia uu sheegay in 90% dadkii codeeyey ay taageereen in gobalkaasi ku dhawaaqo Madax banaani buuxda.

Macada in hogaanka Ismaamulka Catalonia uu codbixintan u adeegsan doono inay iskood madax banaani ugu dhawaaqaan, waxaana hubaal inay sare usii qaadi doonto xiisada ka dhex taagan maamulkaasi iyo maamulka dhexe ee Spain oo aan sinaba u ogoleyn in gobalka xeebeedkaasi qaniga ah uu ka goosto wadankooda

Comments are closed