Taliyihii Ciidanka Garoonka Diyaaradaha ee Gaalkacyo oo Askeri Kale Toogasho Ku Diley

Gaalkacyo (estvive) 02/10/2017

Nin ka tirsan ciidanka Booliska ee ilaalada garoonka diyaradaha ee Gaalkacyo ayaa toogasho ku diley Taliyihii ciidanka ilaalada garoonka Cabdullaahi Yusuf ee magaalada Gaalkacyo Col. Cabdisalaam Sanyare Cawke, sidoo kale waxa uu la diley nin kamid ahaa ilaaladiisa.

Ninka dilka geystey ayaa la qabtey waxaana ku socda baaritaan sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka Booliska ee Gaalkacyo.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka danbeysa dilkan, waxaana uu noqonayaa Taliyihii labaad ee Saldhiga garoomada diyaaradaha ee Puntland uu isla askeri kale dilo.

Comments are closed