Trump oo khilaafay wasiirkiisa dibada & wadahadalka Kuuriyada Waqooyi

Mareykanka (estvlive) 02/10/2017

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku tilmaamay “Wakhti dhumis” in wax wadahadal ah lala galo Kuuriyada Waqooyi, isagoo khilaafay qorshaha uu wado Wasiirkiisa Arrimaha Dibada Rex Tillerson.

Mr.Tillerson oo todobaadkan booqasho ku tagay dalka China si uu dar dar u geliyo xal u raadinta xiisada Kuuriyada Waqooyi, ayaa saxaafada u sheegay in Dowlada Maraykanka ay xiriir toos ah la sameenayso Xukuumada Kim Jong Un.

 

Balse maalin kadib ayuu Trump bartiisa Twitter ku shaaciyey in wadahadalka Kuuriyada waqooyi ay tahay wakhti dhumis, isagoona sheegay in dowladihii isaga ka horeeyey ay ku fashileen in wadahadal natiijo uga keenaan Kuuriyada Waqooyi, Trump ayaa ku goodiyey inuu tilaabo qaadi doono.

I told Rex Tillerson, our wonderful Secretary of State, that he is wasting his time trying to negotiate with Little Rocket Man…

Macada qorshaha uu Trump ka leeyahay hadaladan uu twitterka ku shaaciyey ee khilaafaya siyaasada uu hada waday Xoghayaha Arrimaha dibada Maraykanka Rex Tillerson.

Trump ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay hadalo hanjabaad iyo aflagaado ah hawada isu marinayeen hogaanka Kuuriyada Waqooyi.

Comments are closed