USA: Dhimashada weerarkii Las Vegas oo kor u dhaaftey 50 qof

Mareykanka (estvlive) 02/10/2017

Tirada dhimashada weerarkii ka dhacay habeenimadii xalay magaalada Las Vegas ee dalka Maraykanka ayaa kor u kacdey.

Booliska iyo laamaha caafimaadka ayaa xaqiijiyey in tirada dhimashadu ay gaartey 50 qof, halka dhaawacu uu gaarayo 400 oo qof.

64 Sano jir u dhashey dalka Maraykanka oo caddaan ah laguna magacaabo Stephen Paddock ayaa weerarkan ka danbeeyey, sida Boolisku u xaqiijiyey warbaahinta.

Stephen Paddock ayaa kireystey qol ku yaala dabaqa 32 aad Hotel kamid ah kuwa ay degaan dalxiisayaashu Mandalay Bay, rasaasta ayuu ka soo dhex ridaayey isla qolkiisa inta uu furtey daaqadda Hotelka waxaana uu bartilmaameedsadey baraxd ku dhaw Hoteelka oo ay ka socotey bandhig faneed, waxaa barxadda ku sugnaa dad ka badan 22 000 kun oo qof.

Ninka weerarka qaadey ayaa is diley ka hor inta aan Boolisku qolkiisa ugu gelin waxaana isla qolka laga heley qoryo aad u badan iyo rasaas badan, Qolka uu hotelka ka deganaa ayuu kireystey Khamiistii la soo dhaafey waxaana uu deganaa afar habeen ka hor inta aanu isku dhex dilin isaga oo galaaftey 50 qof oo kale boqolaalna dhaawacay.

Sababta weerarkan ayaan weli caddeyn waxaana Boolisku baadigoob ku hayaan haweeney loo badinaayo in ay saaxiib la ahayd ninka weearaka geystey taas oo ka soo jeeda asal ahaan dalalka Aasiyada fog.

Waa weerarkii u xumaa ee muddooyinkan ka dhaca dalka Maraykanka.

Booliska sida Milteriga u tababaran ayaa jidadka qaarkood weli u xiran yihiin, waxaana ay dadka ka dalbanayaan wixii ay macluumaad hayaan in Booliska Las Vegas lagu wareejiyo.

Khasaaraha nafta ee halkaas ka dhacdey aya dhici karta in ay kor u kacdo marka la eego tirada badan ee uu dhaawacay.

Comments are closed