Dhanka kale waxay xukuumada deegaanku cadaysay sababaha kadanbeeya dagaalkan iyadoo sheegtay in sababta 1aad ee dagaalkani yahay dhul-balaadhsi ay oromadu kudoonayso inay xoog kuqaataan deegaanka soomaalida itoobiya si ay xidhiidh toos ah ula yeeshaan dakadaha wadamada aan dariska nahay sida Somaliland iyo somaliya oo ay hub ugala soo dagaan taas oo uu deegaankeenu dayr adag oo bir ah kaga noqday meesha sababta 2aad ee kadanbaysa dagaalkan oromada ee joogtada ahna ay tahay oromadoo kacadhaysan iskufilaanshaha dhanka nabadgelyada ee uu deegaanka soomaalidu gaadhay maadaama oo latirtiray ururadii nabadiidka ahaa ee al-itixaad, ubbo, onag iyo wixii lahalmaala oo horay hoy ugu ahaa ururadaas nabadiidka saldhigoodu wada ahaan jiray Eritrea hubka ay Eritrea kuhawl-galinaysana hal doon ah loo soo wada saari jiray iyadoo qodobka 3aadna uu noqonayo maadaama uu deegaanka soomaalidu kahor-istaagay kacdoonadii xiligii khadhaadhaa iyo mudaaharaadyadii ay oromadu kurabtay inay soo celiyaan nidaamkii cadaadiska ahaa ee dhargiga oo kuhadlaya luuqad kale islamarkaana ay kuburburiyaan nidaamka federalismka ah iyo kudhaqanka dastuurka si dhib yara ay talada dalka ugala wareegaan xisbiga EPRDF oo ah xisbigii keenay sinaanta, cadaalada, nabadgelyada iyo horumarka itoobiyada cusub ee maanta. Taas oo aanaan cidna udaba fadhiyin itoobiyaanimadeena.
Sidoo kale, xukuumada ayaa sheegtay in dagaalkan ay kadanbayso oromada oo kaxanaaqday horumarka xawliga ah ee dhinacyo badanaha ah ee mudo gaaban gudaheed uu deegaanku kugaadhay gaar ahaan guulaha dhanka jidadka iyo buundooyinka oo deegaankeenii kala qoqobnaa ee aysan degmo degmo ugudbi jirin gobolna gobolna kuxidhnayn kadhigtay mid sal iyo baarba iskuxidhan oo aan maanta ubaahnayn in deegaan kale loo sii dhexmaro. Horumarkaas oo meesha kasaaray inay degmooyinkii uxayirnaa deegaanka oromada balse soomaalida ahaa ee jid la’aan ama buundo la’aan awgeed gabi ahaanba kago’naa deegaanka ee loo sii mari jiray deegaanka oromada sida lagahida, salaxaad, qubi, mayumuluqo, qarsaadula iyo filtu inay maanta si toos ah ugu xidhan yihiin deegaankii soomaalida ee ay kamidka ahaayeen iyadoo sidoo kale ay xukuumada soomaalidu cadaysay inay oromadu kakacday horumarka iskufilaansho ee uu deegaanka soomaalidu kagaadhay dhanka biyaha maadaama waxsoosaarka dalagyada kaladuwan ee beeruhu ay sare ukacayso islamarkaana ay suuq badan kuwaayayso oromadu halkaas.
Waxaa kale oo ay xukuumada deegaanka soomaalidu sheegtay inay deegaanka kadhacday arintii Burma kadhacday oo kale oo inta 8 wiil oo reer Tuli ah laqabtay oo la isku xidh xidhay baasiin lagu bil-bilay oo lagubay iyagoo nool, in 2 wiil oo gaadhi saaran lagala dagay meesha layiraahdo 147 oo udhaw mooyaale kadibna nolol lagu gubay. Waxaa taas kasii daraa 8dii bukaan jiifka ahayd ee yaalay hospitaalka yaabeelo ee intay faleembadii kajareen ay gawraca ugu wada jiideen iyo inaysan marnaba itoobiya horay uga dhicin xasuuqii awaday oo kale oo ay kugawraceen 18 qof meesha 27 shaqsina ilaa hada lala’yahay meel ay geeyeen iyadoo 300 oo qofna dhaawac lagu soo gaadhsiiyay magaalada jigjiga oo ilaa hada ay qaarkood dhakhtarada yaalaan islamarkaana aysan ilaa hada xukuumada oromadu katacsiyayn iyadoo dhamaan dhacdooyinkaas foosha xun ay udiwaangashan tahay xukuumada federaalka ah iyo hay’adaha xuquul insaanka inay yihiin kuwo kabaxsan arinta xuduuda labada deegaan.
Xukuumada ayaana hadalkeedii kusoo xidhay in marnaba shacabka soomaalidu aysan itoobiyaanimadooda cidna udaba fadhiyin oo aan soomaalinimadana kufaanayno islamarkaana aan si cad ula dagaalamayno cid kasta oo rabta inay burburiso nidaamka federalismka ah ee dalkeena iyadoo xukuumadu intaa kudartay inaysan marnaba ubaahnayn dhul uu deegaan kale leeyahay oo uu dhulkeedu kabad-badan yahay oo xataa hadii sida sharciga dalku dhigayo loo isticmaalo uu kufilan yahay itoobiya oo dhan iyadoo xukuumadu intaa kusii dartay in nabad kuwada noolaanshaha qawmiyadaha dalku ay gun dhigtay utahay qorshaha xukuumada soomaalida itoobiya 1 ilaa 3.
Ugudanbayna, dhankooda ayaa waxaa si qoto-dheer uga hadlay odayaal dhaqameedka, mas’uuliyiintii hore iyo madaxwayneyaashii hore ee deegaanka oo dhamaantood sheegay in marka la eego dhanka baaxada dhulka ee deegaankeena oo ah in kabadan 353,000km2 uu deegaankeenu noqonayo deegaanka 2aad ee ugu dhulka balaadhan dalkeena itoobiya meesha dhanka tirada dadka kunool dalkeena itoobiya marka la eegana aan nahay qawmiyada 3aad ee ugu tirada badan dalka iyo inaan wadanka nabadgelyadiisa qaadanay markaan nidaamkan federalismka ah qaadanay. Iyagoo intaa kudaray inay maamulka oromada oo dabada kawada shacabkooda iyo maleeshiyaad ay kawadaan weeraro iyo dagaalo gardaro ah oo isdaba joog ah gudaha deegaanka soomaalida itoobiya. Dagaaladaas oo ay kudoonayaan inay dhulka soomaalida kuqabsadaan xoog balse ilaa hada ay xukuumada deegaanka soomaalidu ay dhawrayso shuruucda dalka iyo hadalkii raisal-wasaaraheena mudane Hailemariam Desalegn ee ahaa in shuruucda dhanka saxaafada ay labada deegaanba ilaaliyaan lana dajiyo khilaafka shacabka labada dhinac balse aysan taas maamulka deegaanka oromadu dhag-jalaq usiinin oo ay sii wateen u isticmaalka mediaha goob dagaal oogid oo aysan cidna kaqarsanaynin islamarkaana ay wali sii wadaan weeraradii iyo dagaalkii ay kuhayeen shacabka soomaalida ah ee kudhex nool deegaankooda iyo kuwa xuduudaba. Taas oo aan intaa kabadan loo adkaysan Karin oo xad gudub ku ah shacabka soomaalida ah kasokow xasuuqyadii ay galeen.
Iskusoo wada duuboo, odayaal dhaqameedka deegaanka soomaalida itoobiya ayaa ugu baaqay xukuumada federalka ah in inta ay ilaalinayaan qawmiyadan oromada ay macquul tahay inuu dumo nidaamka federalismka ah iyo axdigii qaran ee ay qawmiyadaha dalku wada galeen.
Comments are closed