Wasiirka Beeraha Soomaaliya oo kulan la qaatey guddoomiyaha hay’adaha hormarinta Turkiga ee TIKA

Muqdisho (estvlive) 03/10/2017

Wasiirka Beeraha Xukuumadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid ayaa maalintii shalay ee Isniinta kulan la qaatey Dr.Serdar Cam Gudoomiyaha Hay’adaha Horumarinta Caalamiga ee loo soo gaabiyo TIKA, kulanka ayaa ka dhacay Magaalada Ankara xarunta dhexe ee Hayadaha Caalamiga ah ee Horumarinta” turkish international cooperation and development agency “(TIKA).

Labada masuul ayaa kulankooda uga hadley iskaashiga labada dal ee saaxiibka ah Turkiga iyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca beeraha iyo waraabka. Siciid Xuseen Ciid ayaa uga mahad celiyey Dowladda Turkiga iyo hay’adaha TIKA, mashaariicda badan ee ay ka fuliyeen Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, waxbarashada iyo kaabayaasha dhaqaalaha, sidoo kale Mudane Ciid Wasiirka Beeraha ee Soomaaliya ayaa ku amaaney TIKA, sida ay isaga iyo wefdigiisa ay ugu soo dhaweeyeen Turkiga.

Wasiirka Beeraha ee Soomaaliya ayaa kala hadley TIKA barnaamijyo Wasaaradiisu ay gacanta ku hayso, kuwaas oo ah sidii dib loogu nooleyn lahaa mashaariicdii beeraha dalka, taas oo kaalin mugleh ka qaadaneysa yareynta fakhriga abuureysana isku filnaansho.

Gudoomiyaha TIKA Dr.Serdar ayaa dhinaciisa muujiyay siday diyaarka ugu yihiin inay kordhiyaan ka qaybgalka mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya,isagoo sheegay in Beerahu ay ahmiyad gaar ah u leeyihiin dib uso kabashada dhaqaalaha Soomaaliyed.

Gabagabadii waxaa lagu heshiiyay in lasii wado qorsheyaasha iskaashi ee labada dhinac.

Waxaa kulanka goobjoog ka ahaa Safiirka Soomaaliya ee Turkiga Denjire Jaamac Cabdulaahi Caydid.

Comments are closed