Weerar ka dhacay gobolka Kashmiir ee dalka Hindiya

Kashmiir (estvlive) 03/10/2017

Koox looga shakisan yahay in ay yihiin maleeshiyo ayaa weerar ku qaaday saldhig ay ciidammada Hindiya ku leeyihiin deegaanka Srinagar oo ka tirsan qaybta ay Hindiya maamusho ee gobolka Kashmir, sida ay saraakiishu sheegeen.

Saddex askari oo kuwa xadka ilaaliya ah ayaa ku dhaawacmay weerarkaas, kaas oo billawday 4:00 saacadda deegaankaas, taas oo u dhiganta 22:30 GMT

Masuuliyiintu waxay sheegeen in in laamaha ammaanka ay wali rasaas waydaarsanayaan dadkii weerarka soo qaaday.

Saldhigan ayaa ku yaalla meel u dhaw garoonka diyaaradaha ee Srinagar oo aad loo sugo ammaankiisa.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa wali ku jirta dhismaha saldhiga dhexdiisa, sida ay sheegeen saraakiisha ilaalada xadka ee dalka Hindiya.

Booliiska ayaa ku tilmaamay weerar is qarxin ah, waxayna intaas ku dareen in ilaa iyo hadda la helay hal may doo loo malaynayo in uu ka mid yahay dadkii weerarka soo qaaday, sida ay ku warraytay wakaaladda wararka ee Press Trust of India.

Comments are closed