Madaxweyne Xaaf oo ku gacan seyray go’aankii maxkamada sare

Cadaado (estvlive) 04/10/2017

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay go’aankii maxkamada sare ee sharciga ka dhigtay xil ka qaadistii dhawaan qaar ka mid ah xildhibaannada ku sameeyeen.

Waxaa uu sheegay madaxweyne Xaaf in Galmudug aysan waligeed yeelan Maxkamad, qoraalka Maxkamadana uu yahay mid aan waxba ka jirin.

Dhinaca kale mid ka mid ah garsoorayaashii magacyadooda uu ku saxiixnaa qoraalka ka soo baxay maxkamada sare ee Galmudug ayaa beeniyay in uu ka qeybgalay kulankii laga soo saaray go’aanka Maxkamada Sare.

Madaxweynaha Galmudug ayaa 27-kii September ee sanadkan ku dhawaqay in dib loo howlgeliyo maxkamadda sare si ay go’aan uga gaarto khilaafka taagan, hasse ahaatee markii uu soo baxay go’aanka maxkamada ayuu sheegay in Galmudug wali yeelan maxkamada sare.

Tan iyo wixii ka danbeeyay ku dhawaaqistii madaxweyne Xaaf ee taageerada xulufada uu hogaamiyo Sacuudiga maamulka Galmudug waxaa uu lugaha la gallay qalalaase siyaasadeed oo sababay in dhamaan mas’uuliyiinta sare ee maamulka kalsoonida lagala noqdo.

Comments are closed